Australia oo Iiraan ku eedaysay inay hagayso weerarada Yuhuuda nacaybka ah

0
458

Ra’iisul wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa ku eedeeyay Iiraan inay hagaysay ugu yaraan laba weerar oo Yuhuuda ka dhan ah oo ka dhacay dalkiisa, wuxuuna ku dhawaaqay qorshe uu ku eryayo safiirka Iiraan ee Canberra.
Isagoo saxaafada kula hadlayay caasimadda Australia Talaadada maanta ah ayuu Albanese waxaa uu ku tilmaamay weerarradii ka dhacay Sydney iyo Melbourne sannadkii hore inay ahaayeen “falal aan caadi ahayn oo khatar ah oo gardarro ah oo ay soo abaabuleen waddan shisheeye” si loo wiiqo wada jirka bulshada ee Australia.
Albanese ayaa waxaa uu sheegay in Australia ay sidoo kale joojisay howlihii ay ka waday safaaradeeda caasimadda Iiraan ee Tehran, isla markaana ay u rartay dhammaan dublamaasiyiinteeda dal saddexaad.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Iiraan oo ku aadan arrintan.