Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha ammaanka iyo Barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa saxiixday heshiis ay doonayaan inay iskaga kaashadaan in la ogaado sababaha ay salka ku hayaan iskudhacyada horseeda barakaca iyo nolosha qaxootinnimo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labadan dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan in taageero maaliyadeed loo helo howlaha nabad sugidda.
Arrimaha ay iska kaashan doonaan waxaa ka mid ah in xilli hore digniino la bixiyo, ka hor tagga dagaallada iyo kala dhexdhexaadinta dhinacyada is haya.