Xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee (COTU) Francis Atwoli ayaa soo dhaweeyay tallaabadii ay qaadeen madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Atwoli ayaa hadda sheegaya inuu ogaa in Ruto iyo Raila ay ugu dambeyn meesha ka saari doonaan arrimaha ay isku hayaan.
Waxaa uu xoghayaha COTU xusay in labada mas’uul ay yihiin kuwo waaya arag ah oo fahansan arrimaha Kenya sidaas awgeedna uunan la taliye u noqon karin Raila Odinga.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichungwah ayaa dhankiisa sheegay inay ka war sugayaan garabka Azimio oo weli wada tashiyo sameynaya.