Atwoli oo xubin ka noqday maamulka caafimaadka bulshada

0
177

Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli ayaa loo magacaabay xubin ka tirsan maamulka caafimaadka bulshada ee dalka oo uu ka tirsanaan doono muddo 3 sano ah.
Waxaa magacaabiddan oo shalay ku taariikheysan sameysay wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha .
Waxay sidoo kale magacawday Dr Zakayo Kariuki Gichuki iyo Jacinta Kathamu Mutegi.
Dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Dr .Timothy Olweny u magacaabay guddoomiyaha maamulka caafimaadka bulshada oo uu ahaan doono 3 sano.