Atwoli oo madaxweynaha dalka ugu baaqay inuu shaqada ka eryo wasiirka maaliyadda

0
237

Xoghayaha Guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU ,Francis Atwoli ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu shaqada ka eryo wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka Prof. Njuguna Ndung’u.
Tani ayaa timid ka dib markii wasiirka uu sheegay in dowladdu aynan haysan dhaqaale ay ku maalgelin karto qarashaadka ku baxo howlaha guud.
Atwoli ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kisumu sheegay in wasiirka uu cabsi ku beeraya kenyaanka.
Waxaa uu sheegay in shaqooyinka wasiirka maaliyadda ay ka mid tahay inuu la yimaado siyaabo ay dowladdu ku heli karto dakhli dheeraad ah.
Waxaa uu tilmaamay in wasiirka laga doonayo inuu dareemo culeyska nololeed ee ay kenyaanka wajahayaan sidaasi awgeedna uu shaaciyo tallaabooyin lagu wanaajin karo xaaladda dhaqaalaha dalka.