Askarigii loo haystay dilka juweeriya Subcis oo dil lagu xukumay

0
428

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in maxkamadda gobolka Faafan ee Jigjiga ay dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo haystay inuu dilay Alle ha u naxariistee xildhibaanad Juweeriya Subcis.
Garsooraha maxkamadda ayaa la sheegay inuu xukunkan u cuskaday xeerka ciqaabta dowladda Itoobiya.
Askarigan oo ka tirsanaa ciidamada federaalka ee gacanta ku hayay ammaanka garoonka magaalada Jigjiga ayaa 25-kii bishii 10-aad ee sanadkan rasaas ku furay xildhibaanad Juweeriya.
Juweeriya Maxamad Ibraahim Subcis, ayaa ahayd xildhibaan heer deegaan ah oo laga soo doorto degmada Daratoole ee gobolka Doolow.
Rasaasta ay ku geeriyootay Juweeriya dadka ku dhawaacmay waxaa ka mid ah walaasheed Ayaan oo ay Juweeriya ka doontay garoonka.