Askari Suuriyaan ah oo lagu dilay duqeynta Israa’iil

0
639

Waxaa lagu soo warramayaa in askari u dhashay dalka Syria lagu dilay halka shan kale la dhaawacay ka dib markii Israa’iil ay weerar ka gaysatay meel u dhow magaalada Dimishiq.
Militariga Israa’iil ayaa galinkii hore ee maanta qiray inuu gantaal ku duqeeyay xarumo ku yaalla Syria.
Wakaaladda wararka ee Syria ee SANA ayaa ku warramaysa in gantaallada laga soo tuuray dhanka buuralayda ay Israa’iil haysato ee Golan.