Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ayaa sheegay in baaritaano lagu hayo askari muuqaal laga duubay isagoo burbur u gaysanaya daaqadda baabuur ay saarnaayeen wariyaal xilligii ay socdeen dibadbaxyada Azimio.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuunan jirin bartilmaameedsi ula kac ah oo ay saraakiisha amaanka ku qaadeen suxufiyiinta tabinayay wararka mudaaharaadyada.
Koome ayaa carrabka ku aadkeeyay in aynan marnaba diyaar u ahayn in sarkaal ka tirsan booliiska uu waxyeello gaarsiiya wariye ku guda jiro howlihiisa shaqo.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii mas’uuliyiinta ururka tifaftirayaasha dalka ee KEG ay abaanduulaha booliiska ka dalbadeen inuu xaqiijiyo badqabka suxufiyiinta haddii kale inay isaga ka qaadayaan tallaabo sharciyeed.