Askari muuqaal laga duubay isagoo gaadiidleyda laaluush ka qaadanaya oo shaqada laga istaajiyay

0
395

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyey mid ka mid ah ciidamada waaxda taraafikada ee wadanka oo muuqaal laga duubay isagoo qaadanaya lacago laaluush ah.
Muuqaalkan ayaa lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Sarkaalka ayaa ku eedeysan inuu laaluush ka qaatay howlwadeenada gaadiidka dadweynaha ee xaafadda BuruBuru ee ismaamulka Nairobi.
NPS ayaa bayaan ku sheegtay in la aqoonsaday askariga oo lagu magacaabo Haron Mwangi sidaasi awgeedna la guda galay geeddisocod dhanka habdhaqanka oo askarigan ka dhan ah.
Waxaa uu ka shaqeynayay qaybta taraafikada ee saldhigga booliiska ee Buruburu.
Adeegga qaran ee NPS ayaa bulshada iyo warbaahinta uga mahadceliyay sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka gaar ahaan ololaha ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Sidoo kale waxay NPS kenyaanka u xaqiijisay in ay ka go’an tahay gudashada waajibaadka dastuuriga ee ka saaran la dagaallanka musuqa iyo xaqiijinta habdhaqanka ugu wanaagsan ee booliiska dalka.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa labo cishe ka dib markii saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee (EACC) ee xafiis goboleedka Nyeri ay xireen dambi baare ka shaqeeya saldhigga booliiska ee Ngano ee ismaamulka Nyandarua.
Waxaa lagu eedeyay inuu qof shacab ah waydiistay lacag laaluush oo dhan 10,000 oo shilin si uu uga caawiyo in dib loo soo helo 115,000 shilin oo looga dhac adeegga M-pesa.
EACC ayaa laga soo xigtay in sarkaalka uu qofkii cabanayay u sheegay in ay qasab tahay inuu lacagta bixiyo si dabagal loogu sameeyo burcaddii hantida ka dhacday.