Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaya weerar ay kooxo burcad ah la beegsadeen Saddex askari oo booliis ah oo roondo ku jiray xili ay ku sugnaayeen deegaanka Freehold ee magaalada Nakuru.
Hal askari ayaa la xaqiijiyay dhawaan in uu weerarkaas ku geeriyooday xili laga daaweynayay dhaawac ka soo gaarey.
Samson Andanje taliyaha ciidamada Booliiska Bariga Nakuru ayaa xaqiijiyay dhacdada.
Ma uusan bixin tafaasiil dheeraad ah maadaama uu sheegay in ay baaritaano socdaan.
Kooxda Burcada ah ayaa la sheegay in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Askartaasi oo ay toogteen Saddex ka mid ah.
Saraakiisha ayaa loola cararay cisbitaalada kala duwan ee dowlad deegaanka Nakuru, si halkaasi loogu dabiibo.
Weeraro is xig xiga ayaa laga soo sheegayaa gobolkaasi.
Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay weeraro kala duwan tobankii maalmood ee u dambeeyay.
Fiidnimadii Sabtida, kooxdan burcadda ah ayaa toogtay Elias Mwambili, oo 24 jir ah, xilli uu ku sugnaa dukaan uu u shaqeeyo oo ku yaalla Upperhill Soilo Estate ee Nakuru West, halkaas oo ay ka qaateen Sh200,000 Sh.