Siddeed sarkaal oo booliis ah oo ka tirsan Hawlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah (MSS) ee Haiti ayaa dhaawacyo ka soo gaareen shil baabuur oo Axaddii dhacay , iyadoo hal sarkaal oo Kenyan ah uu isla goobta ku geeriyooday.
Sida uu sheegay afhayeenka MSS Jack Ombaka, shilkan ayaa dhacay abaaro 5-tii galabnimo ee shalay xilli uu socday hawlgal soo kabasho ah.
Shilkan ayaa waxaa sababay laba baabuur oo nooca MaxxPro ah, ka dib markii ay cilad farsamo ku timid mid ka mid ah baabuurtaas oo la jiidayay.
Askarta ku dhaawacantay shilkan seddax ka mid ah ayay xaaladoodu si weyn u liidata.
Ciidamada Booliska Kenya oo saaka bayaan soo saaray ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid sarkaalka Booliska ahaa ee ka tirsanaa ciidamada Kenya ee hawlgalka ka dhanka ah burcadda loo geeyay waddanka Haiti.
Adeegga Booliska Qaranka (NPS) ayaa xaqiijiyay in MSS, oo kaashaneysa Booliska Qaranka Haiti (HNP), ay wadaan qabanqaabada dib loogu soo celinayo meydka sarkaalka Kenya iyo hubinta in shaqaalaha dhaawacmay ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.
Askariga Kenyaanka ah eek u dhintay shilkaas ayaa lagu wargaliyay qoyskiisa sida ay bayaan ku sheegeen Booliska dalka.