Militariga Israa’iil ayaa sheegaya in askari kale looga dilay gudaha Qaza.
Sarkaalkan oo 29 sano jir ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Eliahou Elmakayes.
Waxaa la dhaawacay saddex sarkaal oo kale.
Tani ayaa tirada ciidamada qalabka sida ee Israa’iil ee la dilay tan iyo markii ay billaabeen duullaanka militari ee dhanka dhulka ee Qaza ka dhigaysa ugu yaraan 31.
Waxaa tan iyo xilligaasi laga dhaawacay in ka badan 260 xubnood sida ay shaaciyeen.