Askari baabuur khaas ah daaqadda ka galay oo la edbin doono

0
555

Sarkaal ka tirsan waaxda ciidamada taraafikada oo shalay laga dhex arkay muuqaal isagoo daaqadda ka gelaya baabuur gaar ah ayay wararku sheegayaan in laga qaadi doono tallaabo sharciyeed oo dhanka habdhaqanka ah.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay waddada Kenyatta Avenue ee magaalada Nairobi.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa sheegtay in sarkaalkaasi la aqoonsaday.
Askari ayaa muuqaal laga duubay isaga iyo darawalka baabuurka oo murmaya ka hor inta uunan si qasab ah gaariga uga gelin dhinaca daaqadda.
Taasi ayaa keentay in wadihii baabuurka uu halkaasi iskaga baxo iyadoo askarigana uu gaariga kaxeeyay.
Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa sheegtay in waaxda qaran ee adeegga booliska ay falkaasi cambaareysay.
Tallaabada uu askarigu ku dhaqaaqay oo ay dad badan la yaabeen ayaa lagu tilmaamay mid sumcad xumo u soo jiidday saraakiisha ammaanka ee wadanka.
Kenyaanka ayaa sidoo kale falkan si wayn uga hadlay dhanka baraha bulshada waxayna sheegeen in askariga uunan xita qadarin qof rakaab ah oo baabuurka saarnaa.