Askar ka mid ah ilaalada madaxweynaha Puntland oo shil ku dhintay

0
482

Inta la xaqiijiyay Ilaa afar askari ayaa ku dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen markii uu shil galay baabuur ka mid ah ciidamadii ilaalada u ahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Gaariga shilka galay ayaa marayay halka loo yaqaano dalcada karin-dhiig ee gobolka Nugaal iyaga oo kusii jeedey Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka puntland.
Dhaawacyada Askarta ayaa la geeyay Isbitaalka wayn ee Magaalada Garoowe si loogu daaweeyo, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Gaariga shilka galay uu rogmaday.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weli ku sugan Magaalada Boosaaso, waxaana lagu wadaa in uu berri diyaarad kaga dhoofo oo dib ugu laabto Garoowe, ka dib doorashadii 16-ka kursi ee halkaasi ka dhacday.
Dhawaan markii Madaxweynaha Puntland uu tegayay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa qarax lala beegsaday mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada ee gelbinayay, waxaana xilligaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar ka mid ah Askarta ilaalineysay.