Warbaahinta BBC-da ayaa falanqeyn muuqaal ah oo ay samaysan sido kalena ay soo bandhigtay saaka ayaa lagu aqoonsaday saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya oo si ku talagal ah u tooganayaa qaar ka mid ah dibadbaxaayashii gudaha u galay aqalka baarlamaanka ee dalka 25-kii bishii June ee sanadkii 2024-kii.
Dibadbaxayaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa xiligaas si weyn uga soo horjeeday canshuurta ay dowladda kordhisay.
5,000 oo sawiro oo laga qaaday goobta ay dhacdooyiinka ka dhaceen ee aqalka baarlamaanka ayaa muujinayaa in dadkii lagu dilay aaggaas ay ahaayeen kuwo aan hubaysnayn oo aan wax khatar ah lahayn.
Tani ayaana dhalisay caro dadweyne ,iyadoo dastuurka dalka uu ogolyahay dibadbax nabadeed.
Inkastoo guddi baarlamaani ah uu amar ku siiyay hay’adda madaxa bannaan ee la-socodka hawlaha booliiska ee Kenya (IPOA) inay baaritaan ku sameeyaan dadkii ku dhintay waddooyinka caasimadda Nairobi .
Seddax wiil oo dhalinyarro ah ayaa lagu dilay agagaarka aqalka Baarlamaanka ee dalka.
Askartii ka dambaysay dilkooda ayaa mid ka mid ah loo aqoonsaday inuu ka tirsanaa Ciidamada difaaca ee dalka.
Ka dib markii uu saaka soo baxay muuqalka ay baahisay BBC-da Kenyaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay cadeymaha la soo bandhigay iyagoona ka sii carrooday in dhalinyarro aan waxbo galabsan ay ku baxaan gacanta ciidamada .
Home Wararka Kenya Askar ka dambaysay dilka dibadbaxayaashii gudaha u galay baarlamaanka Kenya oo la...