Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo qarannimada Soomaaliya oo cagaheeda ku istaagi karta.
Wareysi dheer oo uu siiyay warbaahinta dalkiisa, ayuu sheegay, in Soomaaliya u baahan tahay xoojinta hay’addeeda madax bannaan oo ay ku jiraan ciidamo difaac oo la aamini karo.
Afwerki ayaa sheegay faragelin badan oo dibadda ah oo ay weheliso daciifnimo gudaha ah iyo khatarta argagixisada inay Soomaaliya ka dhigtay waxa loogu magacdaray dowlad fashilantay.
Waxaa uu xusay in arrimahan ay Soomaaliya galiyeen xasillooni-darro daba dheeraatay oo ay ka faa’iidaysteen joogitaanka xoogag shisheeye.
Isaga oo ka hadlayay baahida ciidamada difaaca ee Soomaaliya inta ay la egtahay ayaa waxa uu Afwerki sheegay in marka la eego baaxadda dhulka iyo badda ee Soomaaliya aynan ku filnayn shanta kun ee Eretria u tababartay Soomaaliya.
Afwerki oo aaminsan in Soomaaliya ay qabto baahi ciidan oo leh ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay ciidan ay gaar u leedhahay oo tiro ahaan gaaraya 140 kun illaa 160 kun.
Asias Afwerki ayaa sheegay in dowladda Ereteria inay qaadanayso doorkeeda ku habboon dib u dhiska Soomaaliya.
“Waxaa ay tahay in la aqoonsado waa waxtarka la taaban karo ee ay Soomaaliya ku leedhahay gobolka marka loo eego muhiimadda juquraafi-istiraatijiyadeed, sida kheyraadka badan ee beeraha, kalluumeysiga iyo laga yaabo in laga soo saaro saliid iyo gaaska,” ayuu yiri Afwerki.
Home Wararka Soomaaliya Asias Afwerki: Soomaaliya waxay u baahan tahay inay hesho ciidan gaaraya 140...