Maxkamadda sare oo laashay dacwad ka dhan ah xeerka argagixisanimada

0
639

Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday dacwad loo gudbiyay oo looga soo horjeeday isbeddelo lagu sameeyay xeerarka ay Kenya kula dagaalanto argagixisada.
Garsoore Eric Ogola ayaa dhinac iskaga dhigay kiiska ay geeyeen 20 kooxood oo ka mid ah ururrada bulshada.
Mr. Ogola ayaa sheegay inuusan jirin xadgudub dastuuri ah oo uu ku kacay baarlamaanka sida ay kooxdu ku dooday.
Dhinacyada maxkamadda geeyay dacwadda ayaa sheegay in isbeddelka ay ansaxiyeen xubnaha baarlamaanka uu xarunta qaran ee la dagaalanka argagixisada awood u siinaya inay maareeyaan howlaha ururrada rayidka ah iyo hay’adaha caalamiga ee aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya arrimaha ammaanka.
Waxay intaasi ku dareen in xarunta ay awood u yeelanayso inay ansaxiso warbixinnada hay’adahan taasoo sida ay hadalka u dhigeen sharci darro ah.
Doodda kooxaha waxaa qayb ka ah in dadweynaha aan lagala tashan isbeddellada lagu sameeyay xeerarka la dagaalanka argagixisada.
Hasa ahaate garsoore Eric Ogola ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah sidaas awgeedna dacwaddooda daaqadda laga tuuray.
Nidaamka wax laga beddelay ee ka hor tagga falalkan ayaa la soo saaray sanadkii 2012-kii.