Ardaydii sanadkii hore u fadhiistay imtixaanka KCSE-da oo heli karaa warqadooda natijada

0
104

Ardaydii u fariistay imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiga sare ee Kenya (KCSE) sanadkii 2025 hadda waxay qaadan karaan warqadaha rasmiga ah ee natiijada ka dib markii Golaha Imtixaanaadka Qaranka Kenya (KNEC) ay ku dhawaaqeen maanta.
Ogeysiis loo diray iskuulada iyo ardayda, golaha ayaa xaqiijiyay in warqadaha natiijada imtixaanka KCSE ee 2025 ay diyaar u yihiin in la qaado.
Ardayda waxaa lagula talinayaa inay booqdaan iskuulladooda oo ay soo qaataan warqadaha natiijada,” KNEC ayaa ku sheegtay bayaan ay soo saartay Sabtida maanta ah.
Golaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dukumeentiyada horey loo garsiiyay skuulada dalka oo dhan.
Natiijooyinka imtixaanka KCSE ee 2025 oo la sii daayay horraantii sanadkan ayaa muujiyay horumar la taaban karo oo ku yimid waxqabadka guud ee ardayda iyo kororka tirada ardayda u qalanta gelitaanka jaamacadda.