Ururka ay ku mideysan yihiin ardayda dhigta jaamacadaha wadanka ee KUSO laantiisa gobolka Nyanza ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka codsaday inuunan tixgelin soo jeedin ku aaddan in la kordhiyo qarashaadka ardayda laga qaado.
Waxay ardayda sheegayaan in aan laga qayb gelin soo jeedintan ka timid guddi uu madaxweyne Ruto u xil saaraya inay ka soo tala bixiyaan arrimaha tacliinta.
Sidoo kale waxay doonayaan in dowladda dhexe ay kordhiso lacagaha amaahda ee uu bixiyo guddiga HELB.
Soo jeedinta ay ardayda cabasho ka muujinayaan ayaa ah in lacagta la bixiyo xilli jaamacadeed kasta laga dhigo ilaa 52,000 oo shilin.