Ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare oo maanta KCSE billaabaya

0
824

Waxaa maanta guud ahaan dalka si rasmi ah uga billowday imtixaanka qaran ee shahaadiga ah ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee (KCSE-da).
Sanadkan waxaa imtixaanka KCSE-da sameynaya arday dhan 831,015.
Imtixaanka ayaa lagu sameyn doona 10, 413 oo xarumood sida laga soo xigtay golaha imtixaannada qaran ee KNEC.
Arday maanta KCSE-da u fadhiisaneyso ayaa sameynaya imtixaanka sanad dugsiyeedka 2021-ka
Waa markii labaad oo ay bisha afaraad ardaydu u fariisanayaan imtixaanno qaran maadaama cudurka COVID-19 uu carqaladeeyay jadwalkii waxbarasho ee dalka.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee Kenya Prof. George Magoha ayaa sheegay in aynan jirin wax warqad imtixaan oo la helay ama cid loo dusiyay isagoo ardayda imtixaanka sameynaya uga digay in ay khiyaano ama xatooyo isku dayaan.
Hasa ahaate laba arday oo wax ka barata dugsi sare oo ku yaalla caasimadda dalka ee Nairobi ayaa saaka lagu qabtay iyagoo xarunta ee imtixaanka ku sameynayaan ku haysto teleefoonka gacanta.
Saraakiisha wasaaradaha kala duwan si gaar ah kuwa tacliinta iyo arrimaha gudaha ayuu Magoha ka codsaday in ay iska kaashadaan maareynta imtixaannada maadaama sida uu hadalka u dhigay ay hal dowlad ah u adeegayaan.