Ardayda fasalka 1-aad ee dugsiyada sare oo berri tagaya goobaha waxbarashada

0
361

Waxaa berri goobaha waxbarashada ee dalka iska xaadirin doono ardayda ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiyada sare.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu ayaa xusay in ardayda loo soo xushay si ay caddaalad ku dheehan tahay.
Waxaa uu Machogu sheegay in 107,461 gabdhood iyo 91,566 wiil ah ay wax ka baran doonaan dugsiyada sare ee ismaamullada guud ahaan dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhammaan 106-da dugsiyada heerka qaran ee National inay berri ku biiri doonaan 18,794 gabdhood iyo 20,178 wiilal arday ah.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii in ka badan 1.2 milyan oo arday ah ay u fadhiisteen imtixaanka fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.