Ardayda buundooyinka hoose ka soo hooyay KCSE-da oo lagu boorriyay inay bartaan farsamada

0
448

Ardayda sanadkii hore u fadhiistay imtixaanaadka shahaaddiga ee KCSE-da ee shalay natiijadooda helay ayaa lagu boorriyay inay bartaan culuunta farsamada.
Waxaa baaqan soo saartay sii hayaha xilka agaasimaha guud ee waaxda qaabilsan wanaajinta tayada qiimeynta qaran ee (KNQA) Dr. Alice Kande.
Ardayda helay buundooyinka hooseeya ayay kula talisay inay bartaan farsamo gacmeedka oo ay si tartiib ah ugu gudbaan heerka xiga ee tacliinta sare.
Dr . Kande ayaa sheegtay in ardayda helay buundada ā€˜E’ ay ku biiri karaan machadyada farsamada ee TVET.
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka uu adeegga (KUCCPS) ku amray inuu guda galo in ardayda qaar ka mid ah ay ku biiraan xarumaha farsamada ka hor bisha Saddexaad ee sanadkan.