Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa dhammaan saraakiisha qaabilsan maareynta imtixaannada ku amray inay xaqiijiyaan in dhamaan ardayda ay u fadhiistaan imtixaannada.
Imtixaannada KCPE iyo KPSEA ee shalay billowday ayaa socon doono saddex cishe oo ku eg berri oo ku beegan 1-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Wasiir Machogu ayaa bayaan ku sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay heshay warbixinno ku saabsan inay jiraan dugsiyo aan diiwaangelin arday sanadkan u fadhiisan lahaa KCPE-da.
Waxaa uu tani ku tilmaamay qalad wayn oo cidii ka gaabisay inay arday kasta uu dugsigaasi dhigto ay diiwaangeliso lagula xisaabtami doono.
Machogu ayaa ardayda ay arrintan saameysay ku boorriyay in goobaha loogu talagalay inay imtixaannada ku sameeyaan ay ka gudbiyaan warbixinta ku aaddan in aan la diiwaangelin.
Marka loo barbardhigo sanadkii hore , waxaa 2023-da imtixaannada shahaadiga ee fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da loo diiwaangeliyay 170,982 arday oo dheeraad ah.