Ardayad sameynaysay imtixaanka KCSE-da oo ku geeriyootay Migori

0
482

Waxaa ismaamulka Migori ku geeriyootay ardayad ka mid ahayd ardayda sanadkan sameynaya imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee (KCSE).
Warbixinta booliiska ayaa lagu xaqiijiyay in Moline Atieno oo 19 sano jir ahayd ay imtixaanka ku sameynaysay isbitaalka wayn ee Migori oo la geeyay 15-kii bishii hore.
Waxay dhiganaysay dugsiga sare ee wiilasha iyo gabdhaha ee Okumbo Mixed Secondary .
Booliiska ayaa laga soo xigtay in Moline oo laga daaweynayay xanuunno dhanka wadnaha iyo kilyaha ah ay geeriyootay abaare 6:30 maqribnimo ee shalay.
4-tii bishan ayay ahayd markii arday kale uu ku geeriyooday deegaanka Galbeedka Tigania ee ismaamulka Meru saacado un ka hor inta uunan billaaban imtixaanka qaran.