Ardayad isku dishay ismaamulka Homa Bay

0
242

Saraakiisha booliiska ee deegaanka bariga Rachuonyo ee ismaamulka Homa Bay ayaa baaritaano ku sameynaya dhacdo la sheegay inay isku dishay gabadh ardayad ahayd.
Gabadha oo 16 sano jir ahayd ayaa nafteeda uga dhex takhalustay kaniisad ku taalla tuulada Ogenga .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka gabadha laga dhex helay kaniisadda oo aan ka fogeyn dugsiga ay wax ka baraneysay.
Ku simaha guddoomiyaha tuulada Kasewe ,Dickson Samba ayaa sheegay in gabadha oo dhiganaysay fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe ay gurigooda ka tagtay shalay duhurkii iyadoo aadday meel aan la ogeyn.
Hooyadeed ayaa saacado ka dib meydka gabadheeda aragtay.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay inay is disho waxaana meydkeeda la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Okita halka ay ciidamada ammaanka wadaan baaritaano dheeraad ah.