Arday ku guul dareystay inay sameeyaan KCPE-da oo fursad kale la siinaya

0
300

Wasiirka waxbarashada ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa sheegay in arday gaaraya 9,354 oo ku guuldareystay inay u fariistaan imtixaanka KCPE ee sanadkan ay bisha Kowaad ee sanadka dambe ee 2024-ka uu fadhiisan doonaan imtixaan gaar ah.
Arrintan ayuu maanta shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in tani ay qayb ka tahay tallaabooyinka lagu xaqiijinaya in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee wadanka ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare.
Dhanka kale Machogu ayaa shaaciyay in Isniinta soo socoto la billaabi doono xulashada ardayda ku biiraya fasalka 1-aad ee dugsiyada sare.
Waxaa uu xusay in howshan ay qaadanaysa labo toddobaad.
Imtixaanka KCPE-da ee laga gudbaya ayaa qayb ka ahaa manhajka waxbarashada ee 8-4-4 oo soo jiray 39 sano.
Faahfaahinnada la xiriita natiijada KCPE-da ee Waqooyi Bari wararka dambe ee idaacadda ayaad ku dhageysan doontaan.