Arday ku eedeysan inuu hooyadiis dilay oo lagu xiray Homa Bay

0
504

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Homa Bay ayaa gacanta ku dhigay arday 16 sano jir ah.
Waxaa loo haystaa inuu hooyadiis ku dilay tuulada Kitare ee dowlad deegaankaasi.
Eedeysanaha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Mbita.
Hooyada uu dilay ayaa ahayd 39 sano jir waxaana lagu magacaabi jiray Nelis Ogutu.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay suuragal tahay inuu falkan gaystay culeys maskaxeed awgeed in kastoo ay socdaan baaritaano xaqiiqo raadin ah.