Erick Mutinda oo dhigta Jaamacadda Multimedia University ayaa maanta maxkamadda la soo taagay ka dib markii lagu eedeyay inuu dilay Sylvia Kemunto oo iyadana ardayad ahayd.
Waxaa maxkamadda lagu wargeliyay in Mutinda uu maray baaritaan dhanka maskaxda ah sidaasi awgeedna la maxkamadeyn karo.
Isagoo uu matalayey qareen lagu magacaabo Johnstone Junior ayuu beeniyay inuu gabadha dilay.
Dacwaddan ayaa la dhageysan doonaa 26-ka bisha Koowaad ee sanadka 2026-ka waxaana la filayaa in ay ku marqaati kacaan ilaa afar qof.