Weerarada Israa’iil ay ku qaaday Qaza ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 31 qof iyadoo in ka badan laba bilood ay go’doominta ay ku hayaan Marinka ay soo dedejisay macaluul soo food saartay dadka reer Falastiin.
Duqeyntii saaka ee ciidamada Israa’iil ay ku qaadeen dugsiga al-Karama ee xaafadda Tuffah ee magaalada Qaza ayaa lagu dhilay ugu yaraan 13 qof.
Sidoo kale, dhanka Waqooyi, saddex qof oo kale ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday guri ku yaalla magaalada Jabalia.
Weerar lagu qaaday magaalada Khan Younis ee Koonfurta Marinka ayaa waxaa ku naf waayay aabe, carruurtiisa iyo 5 ilmo oo uu adeer u yahay taasoo ka dhigeyso tirada dadka lagu dilay weerarkaas 8 qof.
Magaalada Deir el-Balah ee bartamaha Qaza iyo tuulada Bani Suheila ee bariga Marinka ayaa lagu dilay wadar ahaan 5 qof oo uu kujiro ilmo yar.
Weeraradan ayaa imaanaya iyadoo hay’adda difaaca madaniga ah ee Qaza ay sheegtay habeenimadii Talaadada in 31 qof lagu dilay tobanaan kalena lagu dhaawacay weerar ay Israa’iil ku qaadday iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla xerada qaxootiga Bureij ee bartamaha Marinka.