Booliiska oo gacanta ku soo dhigay bistooladii lagu dilay xildhibaan Were

0
614

Booliiska ayaa xiray laba tuhmane oo kale oo lala xiriirinayo toogashadii lagu dilay xildhibaanka deegaanka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay Charles Ong’ondo Were.
Waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) ayaa labada eedeeysane magacyadooda ku sheegtay Edwin Oduor Odhiambo oo loo yaqaan Abdul Rashid iyo Dennis Sewe Munyasi.
Tani ayaa tirada eedaysanayaasha loo xiray dilka xildhibaanka ka dhigaysa lix ka dib markii afar kale xabsiga loo taxaabay maalintii Axadda.
Bayaan ay soo saartay DCI-da maanta ayaa lagu sheegay in labada tuhmane ay u horseedeen dambi baarayaasha guriga Odhiambo, halkaas oo ay askartu ka soo heleen laba bastoolad oo kala ah Retay Falcon iyo Sarsilmaz oo ay weheliso sagaal xabo oo rasaas oo nooca 9mm caliber-ga ah.
Waxaa sidoo kale la soo saaray boorso iyo kabo u eg kuwa uu xirnaa mid ka mid ah eedeysanayaasha oo goobta ku sugnaa.
Baaritaan uu sameeyay dhakhtarka cilmi-nafsiga ee dowladda Dr Johansen Oduor ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanka ay soo gaartay shan dhaawac oo rasaas ah, kuwaas oo dhamaantood kaga dhacay dhinaca bidix ee jirkiisa.