Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in gaadiid badan ay ku xanniban yihiin wadada Xiriirisa Magaalooyinka Kismaayo iyo Dhoobleey waxaan Xanibaadaasi Sababay Roobab Xoogan oo todobaadyadii la soo dhaafay ka da’ayay gobolada dalka Soomaaliya.
Gawaarida Agabyada kala duwan geeya Magaalada Dhoobleey ayaa ka qaada Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaana wararku sheegayaa in waddooyinka ay biyo fara badan Fadhiyaan taasoo keentay in Gadiidku ku Xanimo inta u dhexaysa Kismaayo iyo DHoobleey.
Dhanka kale wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeellada dhexe ayaa waxay Tilmaamayaan inuu si aad ah sare ugu kacay qiimaha lagu kala iibsado Maciishada qaybaheeda kala duwan ka dib markii halkaas u u ku fatahay Wabiga shabeelle.