Laamaha amaanka ee ismaamulka Busia ayaa gacanta ku dhigay 7 qof oo ajaanib ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya islamarkaana la rumeysan yahay inay si sharci darro ah dalka ku soo galeen.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala ismaamulka Busia Kipchumba Ruto oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in tuhmanayaasha oo la socday gaari gaar loo leeyahay laga qabtay jidgooyin ku yaalla wadada xiriiriso dowlad deegannada Busia iyo Kisumu.
Waxaa uu intaa ku daray in gaariga ay saarnayeen shakhsiyaadkan uu ku sii jeeday magaala madaxda dalka ee Nairobi.
Mr Kipchumba Ruto ayaa caddeeyay in tuhmanayaasha la rumeysanyahay in ay horaan ka soo safreen dalka Uganda islamarkaana looga shakiyay inay lahayeen ujeedooyin xun waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu u mahadceliayay shaqada wanaagsan ay qabteen saraakiisha booliska, isagoo ku boorriyay inay sii wadaan ilaalinta nafta iyo hantida.
Waxaa uu intaa ku daray in xafiiska waaxda dambi ee DCI-da ay tan iyo markii bilaabeen baaritaano lagu ogaanayo halka ay ka yimaadeen iyo halka ay u socdeen.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matala ismaamulka Busia Kipchumba Ruto ayaa ugu dambeyntii sheegay in saraakiisha booliiska ay feejigan yihiin ayna xirayaan ajaanib kasta oo dalka soo gasha iyagoon raacin nidaamka saxda ah.