Dad ku dhaawacmay shil uu galay baska shirkadda Guardian

0
296

Dhowr qof oo rakaab ah ayaa dhaawacmay subaxnimadii hore ee saaka ka dib markii uu shil ku galay baska shirkadda Guardian oo ku sii jeeday magaalada Kisii.
Baska oo maraayay tuulada Nyamarambe xilliga uu shilka galay ayaa dareewalka uu wadda ka baxay kadib markii uu isku dayay inuu ka fogaado shil fool ka fool ah oo uu lagali lahaa gaari nooca xamuulka qaado ah oo ka soo hor socday.
Inkastoo aan la soo sheegin wax dhimasho ah, haddana dhowr qof oo rakaab ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, waxaana loola cararay isbitaalka si loogu daweeyo.
Rakaabkii ka badbaaday shilka ayaa goobta ka raacay baabuur kale si ay u dhamaystirtaan safarkooda.
Sida laga soo xigtay goob joogayaal baska ayaa waxaa saarnaa 33 rakaab ah, kuwaasoo ka yimid Nairobi kuna sii jeeday Kisii.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah rakaabka oo soo gaaray dhaawacyo halis ah ayaa loo gudbiyay isbitaalka Tenwek ee ismaamulka Bomet, halkaasoo hadda lagu daweynayo.
Baaxadda u dhaxaysa Kaplong iyo Nyamarambe ayaa muddo dheer caan ku ahayd shilalka waddooyinka ee soo noqnoqda sannadihii la soo dhaafay.