Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in ay weerareen saldhigga ciidamada cirka ee Nevatim ee koonfurta Israa’iil.
Waxaa sida tan ku warantay wakaaladda wararka ee Saba ee dalka Yemen.
Israa’iil ayaa mar sii horeysay sheegtay inay soo riday gantaal laga soo ganay waddanka Yemen.
Dhacdadan ayaa timid ka dib markii Wasaaradda Caafimaadka Yemen ay sheegtay in ugu yaraan 8 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ay ku dhaawacmeen weerarrada Maraykanka ay ka geysatay magaalada Sanca fiidnimadii Sabtida.