Guddiga Qaran ee wadajirka iyo isdhexgalka ee NCIC ayaa wacad ku maray in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan hogaamiyayaasha sii hurinaya xasaradaha Kenyaanka ah iyagoo abuuraya khilaaf. Intii lagu guda jiray shirarkii wada-tashiga bulshada ee lagu qabtay ismaamullada Laikipia iyo Kilifi ayaa guddiga waxaa uu sheegay in ay ku howlan yihiin wax ka bedelka sharciga guddiga qaran ee wadajirka iyo isdhexgalka ee 2023-ka si guddiga awood loogu siiyo in uu si hufan ula tacaalo shaqsiyaadka carqaladeynaya nabadda.
Kulanka lagu qabtay deegaanka Magarini ee dowlad deegaanka Kilifi ayaa looga hadlay sidii ay beeralayda iyo xoolada dhaqatada ay si nabad ah ugu wadda noolaani lahaayeen.
Dhanka kale shirka ka dhacay magaalada Rumuruti ee ismaamulka Laikipia ayaa looga wadda hadlay habkii lagu soo afjari lahaa colaada daba deeraatay ee u dhexeyso bulshooyinka Samburu iyo Turkana.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:NCIC oo ballan qaaday inay la dagaalami doonto hoggaamiyayaasha taagero isku dhaca...