Ciidamada dambi barista ee Dagahley ayaa Soo Saaray Meydka allah ha u naxariistee Gacala Aden, si baaritaano loogu sameeyo.
Tan ayaa timid ka dib su’aalo badan oo ka dhashay dilka Gabadhaas taasi oo la sheegay in la gubay.
DCI-da ayaa bilawday baaritaan dhab ah oo lagu ogaanayo sababtii ka dambaysay dilkeeda.
Waxaana natijada baaritaanka ka dib laga soo saari doona warbixin dhamaystran iyo cadeymo ay tuhmanayaasha u xiran kiiskan maxkmada u adeegsan karto.
Hooyada Dhashay Gacala Aden ayaa sheegtay in ay rajaynayso cadaalad.
Home Wararka Kenya DHEGEYSO:Meydka Gacala Aden oo la soo saarey iyo dambi baarayaasha oo baaritaan...