In ka badan 17 qof oo lagu dilay Nigeria

0
313

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay markii dad looga shakisan yahay in ay xoolo-dhaqato yihiin ay weerareen tuulooyin ku yaalla bartamaha gobolka Benue ee dalka Nigeria Khamiistii, sida ay booliisku sheegeen.
Isku dhacyada sanado badan socday ayaa hakiyay sahaydii cuntada ee ka imaan jirtay waqooyiga bartamaha Nigeria oo ah dhul beereed muhiim ah.
Weeraradii ugu dambeeyay ayaa dhacay labo maalmood kadib markii 11 qof lagu dilay deegaanka Otukpo ee Benue iyo wax yar todobaad kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen tuulooyin ayna ku dileen in ka badan 50 qof ee gobolka dariska la ah ee Plateau.
Shirkada cilmi baarista ee SBM Intelligence ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 2019-kii iskahorimaadyada ayaa galaafteen nolosha in ka badan 500 oo qof halka 2.2 milyan ay ka qaxeen guryahooda.