Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa lagu soo warramayaa inuu gaarey magaalada Rome si uu uga qeyb galo wadahadalada nukliyeerka ee u dhaxeeya Iran iyo Mareykanka.
Wadahadalan ayaa waxaa dhexdhaxaadinaysa Cumaan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ahna madaxa wada xaajoodka, Abbas Araghchi, ayaa ayaa tagey caasimadda Talyaaniga, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Iran Mehr News Agency, oo soo bandhigtay muuqaalka isagoo ka soo degaya diyaaradiisa.