Wasiirro iyo xoghayeyaal maanta loo dhaariyey xilalkooda

0
615

Waxaa aqalka madaxtooyada ee dalka ee State House, magaalada Nairobi maanta xilalkooda loogu dhaariyey wasiirro iyo xoghayeyaal uu horay u soo magacaabay madaxweynaha waddanka Dr. William Ruto oo uu baarlamaanka ansixiyay magacaabidooda.
Waxay kala yihiin wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha iyo horumarinta karaanka aadanaha Geoffrey Ruku iyo wasiiradda jinsiyadda Hanna Cheptumo.
Isniintii ayay ahayd markii guddiyada baarlamaanka ay turxaan bixiyeen labadan qof.
Ruku ayaa beddelaya wasiirkii hore ee adeegga dadweynaha Justin Muturi oo jagadiisi waayay ka dib iskushaandheyn uu sameeyay madaxweynaha.
Waxaa sidoo kale maanta xilalkooda loo dhaariyey xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda sare ee kala ah Dr. Jane Imbunya, Regina Akoth, Cyrell Wagunda, Dr. Caroline Karugu, ,Dr. Fredrick Oluga Ouma,Axmed Ibrahim Cabdisalaan , Judith Pareno, Boniface Makokha , Prof. Shaukar Abdulrazak, Stephen Isaboke, Michel Lenasalon, Frikirini Kahindi, Carren Achieng iyo Aden Cabdi Millah .
Madaxweynaha dalka William Ruto oo khudbad jeediyay dhaarinta ka dib ayaa wasiirrada iyo xoghayeyaasha ugu hambalyeeyay in ay ku guulaysteen turxaan bixintii baarlamaanka.
Waxaa uu faray in ay dadweynaha ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay daacadnimo, hufnaan iyo dadaal.
Waxaa uu xusuusiyay in ay dowladda ku soo biireen xilli ay aad u sarreeyaan rajooyinka kenyaanka.
Ruto ayaa sheegay in wasiirrada iyo xoghayeyaasha si buuxda lagula xisaabtami doono waxqabadkooda , maareynta kheyraadka dadweynaha iyo adeegsiga awoodooda xafiiseed.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in sida keliya ee macquulka ah ee looga falcelin karo dhaliilaha ka dhanka ah dowladda ay tahay waxqabad wanaagsan iyo xoojinta kalsoonida shacabka.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan u sheegay in aan xilalka loogu magacaabin in ay si shakhsi ah uga macaashaan balse ay rayidka ugu adeegaan.