Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Pop Francis

0
138

Madaxweynaha dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid baadiriga ugu weynaa kaniisadda Katooliga ee Pop Fransic kaasi oo maanta la xaqiijiyay geeridiisa.
Pop Francis ayaa ku geeriyooday da’da 88 sano jir.
Hogaamiyihii ugu horreeyay ee Kaniisadda Katooliga ee Latin America,ayaa muddooyiinkii la soo dhaafay la daala dhacayay xannuuno kala duwan.
Madaxda kale ee ka tacsiyadaysay geerida Pop Fransic ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenka dalka Kithure Kindiki,senetarka ismamaulka Nairobi Edwin Sifuna ,madaxada golaha wasiirada ee dalka Musalia Mudavadi iyo hogaamiyaal kale.