Meydka nin darawal ah oo ay daad ku qaadeen buundada KMC ee Isiolo ayaa la helay, iyadoo uu socdo howlgal lagu baadigoobayo shaqsi kale oo la la’yahay.
Meydka Paul Gitonga ayaa laga helay meel dhowr kiilo mitir dhanka hoose ka xigta meel lagu magacaabo Lowangishu.
Dhanka kale, roobab xoogan ayaa sababay dhul go’ iyo burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha ee qeybo ka mid ah ismaamulka Murang’a, taasi oo keentay in qoysas badan ay barakacaan iyo wadooyin aan la mari karin.