Guddiga Golaha ee qalka Baarlamaanka dalka kuwaas oo u xilsaaran magacaabista ayaa lagu wadaa in ay maanta turxaan bixiyaan xildhibaanka Waqooyiga Mbeere Geoffrey Ruku iyo Hanna Cheptumo kuwaas oo bishii hore loo magacaabey xilal wasiiro ah.
Ruku ayaa loo magacaabey wasiirka Wasaaradda Adeegga Dadweynaha, Horumarinta iyo Barnaamijyada Gaarka ah isagoona lagu badaley Justin Muturi oo xilka laga qaadey halka Cheptumo loo magacaabey wasiiradda Wasaaradda Jinsiga, Dhaqanka, Fanka iyo Hiddaha.
2:00 duhurnimo, Guddigu wuxuu eegi doona ansixinta Ruku, iyo inuu u qalmo doorka wasaaradda Adeegga Dadweynaha.
4.00 galabnimo, Hanna Cheptumo ayaa iyaduna loo turxaan bixin doona xilka Wasaaradda arrimaha Jinsiga.
Guddiga turxaan bixinta ee aqalka Baarlmaanka waxaa hogaaminayaa afhayeenka aqalkaas Moses Wetangula .