Israa’iil iyo Xamaas oo heshiis xabbad joojin gaaray ka dib 11 maalmood oo dagaal ah

0
325

Israa’iil iyo Xamaas ayaa heshiis xabbad joojin ah ka gaaray dagaalki Qaza ka billowday 11-ka bishaan ee uu ka dhashay qasaara naf iyo maalba leh.
Golaha wasiirrada Israa’iil ayaa xaqiijiyay iney heshiis xabbad joojin ay la gaareen maleeshiyaadka Falstiiniyiinta si dagaalka tobanka maalmood socday loo joojiyo.
Sarkaal ka tirsan ururka Xamaas oo wakaaladda wararka ee AP u warramay ayaa saheegay xabbad joojinta ay Israa’iil ku dhawaaqday ay ka dhigan tahay guul shacabka Falastiin u soo hoyatay iyo guul darro soo gaatay ra’isal wasaaraha Israa’iil Banjamin Natanyahu.
Cali Barakeh ayaa sheegay iney maleeshiyaadka Xamaas ay feejignaan ku jiri doonaan ilaa ay dhexdhexaadiyeyaashu ay dhammeystiraan faahfaahinta heshiiska xabbad joojinta iyo meel markiisa intaba.
Wararka ayaa intaa ku daraya markii ay Israa’iil xabbad joojinta ku dhawaaqday wax yar uun ka dib milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Koonfurta Israa’iil laga maqlayey digniinaha gantaalaha dhanka Qaza laga soo tuuraya.
Warbaahinta Falastiiniyiiintana ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaaradaha Israa’iil duqeyma horleh ka billaabeen marinka Qaza.