In ka badan 3,800 oo qof oo COVID19 ugu dhimatay India

0
372

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay cudurka COVID19 gudaha wadankaasi ugu dhinteen bukaan dheeraad ah oo gaaraya 3,874 .
Sidoo kale waxay wasaaraddu diiwaangelisay 276,110 oo ah xaaladaha cusub ee cudur sidaha corona.
Sheybaarrada sida gaarka ah loo leeyahay ee India ayaa laga soo xigtay in ku dhawaad saddex meelood labo meel dadka laga baaray cudurka in laga helay.
Xaaladaha guud ee cudurka COVID19 ee India ayaa hadda ah 25.77 milyan halka ilaa iyo hadda ay dhinteen 287,122 sida ay tilmaamayso xogta wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.