Wargayska The Times of Israel ayaa ku warramaya in kooxaha dalka Falastiin ay laga soo billaabo 7-dii fiidnimo ee xalay ilaa 7-dii subaxnimo ee maanta ay 80 gantaal ku rideen koonfurta Israa’iil.
Waaxda difaaca hawada Israa’iil ayaa sheegtay in ay qabatay in badan oo gantaalladan ka mid ah.
Sidoo kale ma aynan sheegin wax khasaare nafeed oo ka dhashay.