Guddiga EACC oo doonaya in la xannibo hantida barasaabka Migori

0
392

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musumaasuqa ee EACC ayaa ku howlan sidii xannibaad loo saari lahaa hantida barasaabka dowlad deegaanka Migori Okoth Obado oo lagu eedeyay lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Bishii sideedaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii guddoomiyaha maxkamad la soo taagay.
EACC ayaa dacwad ay u gudbisay maxkamadda sare ee dalka ku codsanaysa in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu oggolaado in ay lacag dhan 73.5 milyan dib uga soo celiso Obado , xubnaha qoyskiisa , shakhsiyaad ay aad isugu dhowyihiin iyo 16 shirkadood.
Guddiga ayaa sheegaya in lacagtan la dhacay iyada oo loo marayo qandaraasyo lagu bixiyay qaab aan sharci ahayn.
EACC ayaa intaa ku dartay in barasaabka Migori uu si dadban uga macaashay qandaraasyada .
38.9 milyan oo dhaqaalahan ka mid ah ayaa qarashaadka waxbarashada looga bixiyay saddex ka mid ah carruurta guddoomiyaha oo dhigto jaamacado ku yaalla dibadda dalka.
Sidoo kale waxaa lagu soo iibiyay labo ka mid ah baabuurta raaxada nooca loo yaqaano V8 Land Cruisers.
Dokumeentiyada guddiga EACC uu u gudbiyay maxkamadda ayaa muujinaya in sidoo kale ilaa 34 milyan oo shilin carruurta guddoomiyaha Migori loogu iibiyay guri ku yaalla Nairobi.