Ku xigeenka baarsaabka ismaamulka Meru Isaac Mutuma M’Ethingia ayaa badali doona Kawira Mwangaza oo shalay si rasmi ah xilkeeda looga qaaday ka dib markii ay maxkamada sare ay ku taageertay xil ka qaadisteeda aqalka senate-ka.
Xafladda dhaarinta Mutuma ayaa dhici doonta maalinta Isniinta ah ee bishu tahay 17-ka Maarso, taasoo ka dhici doonta garoonka Mwendantu ee ismaamulka Meru.
Mutuma ayaa sanadkii 2022-kii loo doortay gudoomiye ku xigeenka dowlad deegaanka Meru .
Waxa uu sidoo kale soo qabtay jagooyin ah ay ka mid ahaayeen U doodaha Xuquuqda Carruurta, Wakiilka Dhallinyarada ee Habitat , iyo Sarkaalka Xuquuqul Insaanka iyo Barnaamijka Dhaqancelinta Maxaabiista ee gudaha adeegyada xabsiga.