Wasiirka adeegga dadweynaha oo sheegay in uunan is casili doonin

0
149

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Justin Muturi oo xalay wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa ku adkeystay in uunan is casili doonin in kastoo marar badan loogu baaqay inuu xafiiska banneeyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aynan jirin sabab uu isku casilo.
Muturi ayaa beeniyay eedeyn loo jeediyay oo ahayd in uunan qaadan amarrada madaxweynaha dalka William Ruto ama uunan daacad u ahayn.
Waxaa uu mar kale difaacay dhaliilihii uu dowladda u jeediyay ee ka dhanka ahaa afduubyada.
Justin Muturi ayaa sheegay inuu gudanayay waajibaadkiisa maadaama uu yahay shaqaale dowladeed oo shacabka u adeega sidaasi awgeedna inuu is casilo ay noqonaysa dhaqan xumo.
Waxaa uu tilmaamay in hoggaamiyaasha laga doonaya in ay isaga ku bogaadiyaan u ololeynta cadaaladda iyo isla xisaabtanka halkii ay ka dalban lahaayeen inuu xafiiska banneeyo.
Justin Muturi ayaa xusay inuu 12-kii bishii Koowaad ee sanadkan uu ka soo horjeestay afduubyo iyo dilal sharci darro ah oo dalka ka dhacay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda ay qasab ku tahay in ay arrimahan wax ka qabato oo haddii la iska indha tiro ay horseedi karaan qalalaase.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Justin Muturi ayaa ku celceliyay in xadgudubyo dhacay oo uu ka soo horjeestay aan lagu saleyn karin xil ka qaadistiisa.
Waxaa uu sheegay in isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza uu si wayn ugu ololeynayay soo afjaridda afduubyada iyo dilalka sharci darrada ah sidaasi awgeedna uu keliya dowladda ka dalbaday in ay ka dhabeyso ballanqaadkeedii.
Muturi ayaa xusay inuu ogyahay in dad la afduubto ama la dilo aynan ahayn siyaasad dowladeed.
Waxaa uu tilmaamay in madaxda ay ku dhaarteen dastuurka oo xaqiijinaya ilaalinta xuquuqda kenyaanka.
Sidoo kale , Justin Muturi ayaan ka qayb gelin ilaa saddex fadhi oo ay yeesheen xubnaha golaha wasiirrada.
Waxaa uu caddeeyay in kastoo ay qasab tahay , haddana inuu madaxweynaha dalka u gudbiyay cudur daar ku aaddan inuusan fadhiyada soo xaadiri doonin ilaa iyo inta looga hadlaya afduubyada.
Muturi oo horay u soo noqday xeer ilaaliyaha guud ee dalka iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in dastuurka waddanka u degsan uu dhigaya in marka qofka la xiro , maxkamadda loo gudbiyo 24 saacadood gudahooda sidoo kalena lagu wargeliyo sababta loo soo xiray.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uunan wax dhibaato ah ku qabin in madaxweynaha dalka William Ruto uu ka xayuubiyo xilka wasiirnimo ee uu u soo magacaabay.