Ururka Injineerada dalka ayaa galinkii hore ee maanta mudaaharaad nabadeed ku qabtay magaalada Mombasa, kaasoo lagu xusayay maalinta injineerada aduunka.
Mudaharaadkan ayaa waxaa looga hadlay in dhamaan dadka shahaadooyiinka faaliska ah ku shaqaysto in tallaabo sharci laga qaadi doono.
Waxaa sidoo kale ururkan uu carabka ku dhuftay in Kenyaanka dhisanaayo guryahay ay raacaan sharuucda qaab dhismeedka guryaha si looga fogaado guryaha dhuma kuwaas oo dhawaan dalka ku soo batay.