DHEGEYSO: Beatrice Elachi oo sheegtay in guul darradii xilka AUC aan lagu eedeyn karin Ruto iyo Raila

0
120

Xildhibaanadda laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Waqooyiga Dagoretti ee ismaamulka Nairobi Beatrice_Elachi oo wareysi gaar ah siinaysay idaacadda maxalliga ee Radio Citizen ayaa sheegtay in guul darradii Kenya ka soo gaartay u tartamidda xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da aan lagu eedeyn karin Raila Odinga iyo madaxweynaha dalka William Ruto maadaama ay labaduba dadaaleen.
Waxay sheegtay in shacabka laga doonaya in ay xoojiyaan waddaniyadooda.

Sidoo kale, waxay sheegtay in keliya afar ka mid ah hoggaanka baarlamaanka laga bixiyay qarashaadka safarka ay ku tageen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay doorashada AUC-da ka dhacday.